Bläddra

Ökensagor : berättelser från Somalia / Sheekoxariiyoyinkii Saxaaraha

Kategorier: Barn och ungdom: skönlitteratur och sanna berättelser Barnböcker, ungdomsböcker och läromedel Skönlitteratur barn och ungdom: sagor, myter och legender
Köp här

Ökensagor : berättelser från Somalia / Sheekoxariiyoyinkii Saxaaraha

Kategorier: Barn och ungdom: skönlitteratur och sanna berättelser Barnböcker, ungdomsböcker och läromedel Skönlitteratur barn och ungdom: sagor, myter och legender
Köp här
Tvåspråkig svenska/somali   
Förr i tiden var det nomaderna i Somalia som berättade sagor för varandra när de var ute på långa vandringar i öknen. Numera är det de äldre i familjen som berättar sagor, som de själva har hört när de var barn.    När Oscar reste runt i Somalia fick han höra många berättelser och sagor, som han sedan skrev ner och översatte till svenska.

Buuggan waxa aan u turjumay af Iswiidish, sawiiradana aniga Oscar ah ayaa u sameeyey. Sheekooyinkani waxa ku sheekaysta oo iskaga warrama dadka reer guuraaga ah ee xoolo raacatada ah. Sheekooyinkani waa kuwo la kala dhaxlay oo ay waayeelku uga sheekeeyaan carruurta fiidkii ama habeenkii, kuwaas oo ay iyaguna ka maqleen waalidkood.
   Soomaaliya aad bay isu beddeshay sannadahan ugu danbeeyey. Waxaana ka dhacay dagaallo iyo abaaro waaweyn. Qoysaskii waxa ay ka qaxeen dhulkoodii markii dagaallo ka dhaceen. Waa la kala lumay oo dhallinyaradii waxa ay noqdeen askar ama dagaalyahanno beeleedyo. Xoolihii dadku dhaqan jirayna wey yaraadeen.
   Sheekooyinkii weli wey noolyihiin oo meel ay Soomaaliyi joogtaba waa lagaga sheekaystaa marka ay hawl maalmeedku dhammaato. Sheekooyinkaasi markaa waxa ay illowsiiyaan dhibtii la soo maray, waxana ay xusuusiyaan xilliyadii barwaaqada iyo raaxada.
   Oscar waxa uu degenaa oo uu ka shaqeyn jiray Soomaaliya in muddo ah. Waxana uu ahaa hoggaamiye dhanka farshaxanka ah oo joogay xeryihii qaxootiga. Waxa uu ka mid ahaa ururkii farshaxanka ee Muqdisho. Waxana uu sameeyey sawirro badan oo magaalada ah. Muddadii uu Oscar ku noolaa Soomaaliya waxa uu maqlay sheekooyin badan. Intaa kaddibna wuu qoray oo wuxuu u turjumay af Iswiidhish. Intaa waxa uu ku daray sida ay Soomaalidu u shaqeysato iyo farshaxnkooda.